Gudoomiyihii hore ee Minnesota Gud. Arne Carlson: "Waxa ay ila tahay in aan ku fashilanay" in rusheeyayaasha waajib laga dhigo dhismayaasha dhaadheer ee gaboobay.
Carlson laba jeer ayuu codka diidmada ku hor istaagay rusheeyayaasha ka dib markii Waaxda Maamulka Guryaha Dadweynaha ee Minneapolis iyo kooxo kale cabasho ka muujiyeen in qorshahaas aanu wehlin dhaqaale lagu hirgeliyo.
Codadka ku doodaya in rusheeyayaal lagu rakibo guryaha ka dib markii uu dab ka dhacay daaraha dhaadheer ee Cedar-Riverside oo shan qof ku naf waayeen maalintii Thanksgiving ayaa dhalisay in mas'uuliyiin gobolka xilal uga soo qabtay dib u xusuustaan 25 sano ka hor.
Laba jeer ayaa 1990 maadkii, sharci dajiyayaashu gobolku ogolaadeen sharci waajib ka dhigaya in mulkiilayaasha dhismayaasha dhaadheer ay ku rakibaan rusheeyayaal dabaq kasta oo dhismaha ka mid ah. Haddii ay taasi sharci noqon laheyd, dhismaha dheer ee Cedar, oo ay aad u dagan yihiin dadka soo haajirey oo dakhligoodu hooseeyo, waxa suurogal ah in rusheeyayaashu badbaadin lahaayeen dadka degan dabaqyada sare. Dabka, oo bilowday 4tii aroornimo, kana bilowday dabaqa 14aad, dabaqyada korana u diray qiic dilaa ah.
Masiibadan waxa ay dhacday tobanaan sano ka dib markii Gud. Arne Carlson laba jeer uu codka diidmada ah u adeegsaday sharci ka dhigidda rusheeyayaasha. Waxa uu sidaas yeelay ka dib markii Waaxda Maamulka Guryaha Dadweynaha ee Minneapolis iyo kooxo kale cabasho ka muujiyeen talo soo jeedinta in dhismayaasha oo lagu rakibo rusheeyayaal aysan jirin dhaqaale lagu lamaaniyey oo lagu hirgeliyo.
"Waxa ay ila tahay in aan ku fashilanay arrintaas" ayuu Carlson ku sheegay wareysi lala yeeshay. "Marka laga eego dhinaca nabadgelyada, taas ayey tahay in muhimadda la siiyo."
Iminka, oo dadkii geeriyooday la aasay, waxa uu rajeynayaa in sharci dajiyayaashu xal ka gaaraan arrintan.
Gudoomiyihii hore ee gobolka waxa uu sheegay in aanu xasuusan dhamaan faahfaahinta la xiriirta sharciyadii 1994kii, laakiin uu maanta "si buuxda u fahamsan yahay" arrimaha maaliyadda ee la xiriira ee maamulka guryuhu weli ka walwalsan yahay.
"Waxa aanan ku raacsaneyn waxa xalku noqon karo," ayuu yiri Carlson.
Saraakiishii hore ee maamulka guryaha waxa ay sheegeen in kharashka ku baxaya uu markasta ahaa caqabad taagan.
"U maleyn maayo in maamulka guryaha uu marna mowqifkoodu ahaa in aysan dooneyn in la hirgeliyo. "Waxa ay su'aashu aheyd awoodda lagu hirgelinayo" ayuu yiri Tom Hoch, oo maamule ku xigeen ka ahaa 1990 maadkii. "Haddii ay wehliso maalgelin lagu hirgeliyo, waa arrin kale."
Iyadoo ay sabab u tahay qeyb ahaan da'da dhismaha iyo qodobada la xiriira badbaadada, dhismaha dheer ee Cedar-Riverside waxa uu qeyb ahaan ku rakibnaa rusheeyayaal dabaqa hoose iyo qolka alaabada ee dabaqa hoose, laakiin dabaqyada sare ma laheyn oo ah halka uu dabku ka bilowday.
Dabka ka hor, waxa ay sharci dajiyayaashu tixgelin siiyeen in waajib laga dhigo rusheeyayaasha dhismayaasha gaboobay. Inkasta oo siyaasiyiintu ka gaabsadeen faahfaahinta la xiriirta, qaar ka mid ah maamulka guryaha, sida kan St. Paul oo kale, waxa ay iskood, si tartiib tartiib ah ugu dareen rusheeyayaal dhismayaasha dhaadheer. Kuwa kale waxa ay ka gaabsadeen waxyaabaha sharciga gobolku waajibka ka dhigay.
Related Coverage
Isku day sharciga wax looga bedelayo waxa ay markii ugu horeysay bilaabantay 1967, qiyaastii laba sano ka hor intii aan la furin dhismaha dhaadheer ee Cedar-Riverside. Sharci dajiyayaasha gobolka, shirkadaha dhismaha iyo mulkiilayaasha guryaha ayaa si wadajir ah dib ugu riixay talo soo jeedinta sharci looga dhigayo in rusheeyayaasha lagu rakibo hoteelada iyo guryaha kirada ah. Laakiin tobaneeyo sano ayey qaadaneysaa ka hor inta aan la ansixin — iyada oo waajib looga dhigo dhismayaasha cusub.
Sanadkii 1994kii golaha sharci dajiyayaasha oo aqlabiyadd sare ku lahaayeen DFL ayaa ansixiyey laba sharci oo waajib ka dhigaya in markii ugu horeysay guryaha gaboobay ay ku rakibaan rusheeyayaal kaasoo la mid ah kan lagu xiro dhismayaasha cusub. Intaa ka dib, sharciga waajib ka dhigaya in rusheeyayaal lagu rakibo qol kasta, laga dhigay mid laga reebo barxadaha iyo goobaha la isaga gudbo, ayey tiri Jennifer Longaecker oo ka tirsan Waaxda Nabadgelyada Dadweynaha ee Minnesota.
Laakiin sharci dajiyayaashu wey ka gaabiyeen in ay u qoondeeyaan dhaqaalaha ay u baahan yihiin maamulka guryaha dadweynaha si ay ugu iibsadaan rusheeyayaal cusub. Saraakiisha dab damiska, waxa ay ku doodayaaan in rusheeyayaashu ay dadka badbaadiyaan, halka saraakiisha iyo mulkiilayaasha guryaha ay ku doodayaan in sharciyo cusub ay kordhinayaan qiimaha guryaha.
"Waxaa jirta dood badan oo arrintan ku saabsan xilligaas," ayuu xusuustaa-Madaxa Dab Damiska Tom Brace, oo taageersanaa rusheeyayaasha oo iminka madax ka ah Ururka Rusheeyayaasha Dab Damiska. "Waxaa iminka socota dood kale"
Carlson, Jamhuuri, codka diidmada ah ku hor istaagay markii u horeysay, ayaa qoray: "Talaabadani waa mid kharash badan ku kordhineysa magaalooyinka iyada oo ka dhigeysa guryaha dadweynaha kuwa ay adag tahay sida loo helo. Ma jecleysanayo marka sharci dajiyayaashu fara gelin ku sameeyaan arrimaha heer magaalo."
Brace waxa uu sheegay in isaga iyo kuwa taageersan ay la kulmeen Waaxda Maamulka Guryaha Dadweynaha ee Minneapolis ka dib markii sharciga la diiday. Sharci dajiyayaashu waxa ay ku dareen qodob u ogolaanaya in Maamulka Guryuhu codsan karaan in mudada loo kordhiyo haddii aanay u heysan dhaqaale ku filan.
Brace waxa uu yiri waxa ay ila aheyd in Maamulka Guryuhu ogolaaday markii dambe, laakiin ay jirtey kooxo kale oo ka soo horjeeday.
Jack Horner, oo horay qareen iyo u doode u ahaa Ururka Guryaha, ayaa xusuusta kulan uu la qaatay shaqaalaha Carlson markii uu socday dooda sharcigan ee sharci dajiyayaasha.
'Qiimeynaya baahida'
Waxa uu ku dooday in daaraha dhaadheer yihiin kuwo amaan ah, si khalad ah oo rusheeyayaasha loo shido waxa ay fatahaad ka dhigi kartaa guryaha iyada oo sharcigani kordhinayo kharashka guryaha.
"Waa in aad isu miisaantaa baahida guryaha dadku awoodi karo iyo faa'iidada laga helayo," ayuu ku sheegay wareysi lala yeeshay Horner.
Marka laga tago mudada u dhaxeysay, Carlson mar labaad ayuu codka diidmada ah ku hor istaagay, kuna tilmaamay "mid la mid ah" kii sanadkii hore la diiday. Waqtiga la soo jeediyey waxa uu ku tilmaamay "mid aan suurogal aheyn haddii aan loo diyaarin dhaqaalaha uu u baahan yahay."
Isaga oo dib u eegaya, waxa uu jeclaan lahaa in arrinta dib loo falanqeeyo oo xal laga gaaro.
"Waxa ay aheyd in maamulkeenu magacaabo koox la shaqeysa sharci dajiyayaasha" ayuu yiri. "Waxa ay ila tahay in guud ahaan jawaabta laga bixiyey ay tahay mid ku filan."
Khubarada amaanku waxa ay filayaan in masiibada ka dhacday Cedar-Riverside ay sabab u noqoto talaabo la qaado, heer gobol ama dawladda dhexe. Wakiilk DFL ee aqalka Mohamud Noor, oo laga soo doorto degaankaas ayaa sheegay inuu filayo inuu soo bandhigo kulanka sharci dajiyayaasha ee 2020 sharci waajib ka dhigaya in mulkiilayaasha dhismayaasha gaboobay ay ku rakibaan habka rusheeyayaasha si ay ula saanqaadaan sharciyada kuwaas la midka ee guryaha cusub.
Wakiilka. Kari Dziedzic, DFL laga soo doorto degaanka Guryaha Dhaadheer ee Cedar, ayaa sheegtay in ay la shaqeyneyso. Labaduba waxa ay sheegeen in dhaqaalaha uu noqon doono qodob dareenkiisa leh.
Xubinta Aqalka Wakiilada ee Mareykanka Ilhan Omar oo laga soo doorto Minneapolis, ayaa ku cadaadineysa Waaxda Guryaha iyo Horumarinta Magaalooyinka ee ay qiimeyn ku sameyso in waajib laga dhigo rusheeyayaasha oo lagu rakibo dhamaan guryaha dadweynaha ee la siiyo gargaarka guryaha ee dawladda dhexe.
Xitaa haddii saraakiisha degaanku xoogga saaraan adkeynta amaanka si looga hortago masiibo mustaqbalka dhacda, arrinta dhaqaaluhu waa qodob weli taagan. Waaxda Maamulka Guryaha Dadweynaha ee Minnepolis, si toos ah ama si dadban, waxa ay saraakiisha magaalada, gobolka, iyo kuwa dawladda dhexe uga digtay baahida dhaqaale ee aan waxba laga qaban ee guryaha dadweynaha. Warbixintii ugu dambeysay ee horudhaca aheyd ee ay soo saareen, waxa ay saraakiishu ku qiyaaseen in uu jiro dib u dhac $152 milyan ah, taasoo $69 milyan oo ku baxaya qalabka makiinadaha oo ay ka mid yihiin biyaha iyo badbaadada dabka.
Dziedzic waxa ay rajeyneysaa in ugu yaraan lacag ay ka helaan dawladda dhexe. Waxa kale oo ay ku dartay xitaa intii aanu dabku ka dhicin guryaha Ceder-Riverside in Omar ay soo bandhigtay sharci lacag dhan $1 tirilyan loo qoondeeyo guryaha dadweynaha. Inkasta oo taasi ay tahay rajo fog, rajada ugu wanaagsan, Dziedzic waxa ay ku tilmaantay "in caawinaadaas dawladda dhexe ay wax badan qaban karto"
Iyada oo la doonayo xoojinta ndiaamka rusheeyayaasha, waxa ay sharci dajiyayaashu aqoonsan yihiin si ay u adag tahay in rusheeyayaal lagu rakibo guryo la degan yahay.
"Haddii aad dooneyso in aad ku rakibto dhismaha oo dhan, xagee ayaad u rareysaa dadkan? Waa dhibaato maareyn u baahan," ayey tiri Dziedzic.
Hoch waxa uu yiri markii uu ka tirsanaa Maamulka Guryaha, in ay ku rakibi jireen rusheeyayaasha marka ay sameynayaan dib u dayactirka guud ee guryaha, si loo yareeyo caqabadaha ka imankara.
Marka la isku wada daro, 16 ka mid ah 42ka guryaha dhaadheer ee guryaha Minneapolis ayaa leh nidaamka rusheeyayaasha oo dhameystiran. Daraasad lagu sameeyey 30 ka mid guryaha dhaadheer ee dadweynaha ee Minneapolis sanadkii 2003dii ayaa lagu qiyaasay in dayactirkoodu ku kacayo $16.9 milyan.
In lagu rakibo rusheeyayaal dabaq kasta oo guryaha dhaadheer ee Cedar oo ah halka dabku ka dhacay waxaa ku baxaya $800.000 sida laga soo xigtay qoraal soo gaaray Star Tribune.
Waaxda Guryaha ee St. Paul, waxa ay ku qaadatay muddo toboneeyo sano ah in ay ku rakibto rusheeyayaal dabaq kasta oo ka mid ah 16ka dhismayaasha dhaadheer ee dadweynaha,taasoo ay ku baxday $8.3 milyan.
Noor waxa uu qiray culeyska dhaqaalaha laakiin waxa uu ku daray in ay mas'uuliyad damiirka ku xiran marka laga hadlayo badbaadada.
"Waa maxay qiimaha nafta dadka Marka lala barbardhigo qiimaha lagu rakibayo rusheeyayaasha?" ayuu yiri. "Tani waa su'aal la doonayo in dadweynaha looga jawaabo."
Republicans across the country benefited from favorable tailwinds as President-elect Donald Trump resoundingly defeated Democrat Kamala Harris. But that wasn’t the whole story in Minnesota.